Bandhigga sharciga dakhliga dalka oo lagu qabtay Sama-reeb

Sama-reeb- Magaalada Samareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta lagu qabtay bandhig lagu daah furayey Sharciga Dakhliga dalka oo ay wadajir usoo agaasimeen, Wasaaraddaha Maaliyadda XFS Iyo Galmudug.

Bandhigga oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Federaalka, Galmudug, Ganacsatada deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa lagu muujiyey waajibka dadwaynaha ka saaran bixinta Canshuuraha iyo Xuquuqda canshuur bixiyaashu helayaan kadib dakhli uruurinta.

Agaasime Kuxigeenka Canshuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Idriis “Dalfac” oo munaasabadan daah-furay ayaa Galmudug ku amaaney dadaalka ay wado, si sare loogu qaado dakhliga Guddaha oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka iyo waxqabadka dawladda.

Sidoo kale waxa uu xusey in howsha socota ee nidaaminta Canshuuraha ay muhiim u tahay Dowladnimada dalka iyo in la kordhiyo fursadaha muwaadinku heli karo ee isugu jira adeegyada dadwaynaha iyo shaqaaleysiinta dhalinyarada.