Qaar kamid ah xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay xaflad loo sameeyay bandhigga buug loogu magacdaray Haybso Dhaqankaaga ,kaas oo uu qoray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Hadal gaaban oo uu munaasabaddaasi ka jeediyay qoraaga buugaan waxa uu ka war bixiyay ujeeddada uu ka lahaa qorista buuggan iyo muhiimadda uu u leeyahay ilaalinta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ku bogaadiyay waqtiga uu geliyay qorista buugga “Haybso Dhaqankaaga” ,kaas oo qeyb weyn ka qaadan kara ilalinta dhaqanka iyo ku baraaruga dhaxalka dabiiciga ah ee ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

