Bandhig dalagga beeraha ah oo lagu qabtay Buuloburte

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeele iyo kan degmada Buulaburte ayaa  ka qeyb galay bandhig ay sameeyeen iskaashatada Beeralayda degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Iskaashatada ayaa soo bandhigay dalagyada ay beertaan oo kala ah qudaarta noocyadeeda kala duwan, waxayna sheegeen in ay u baahan yihiin horumarin lagu sameeyo beeraha si loo kordhiyo wax soosaarka dalagyada dalkeennu hodanka ku yahay.

Ujeedka bandhiggaan ayaa ahaa kobcinta guusha waarta ee wax soosaarka ka faa’iideysiga nidaamka beeralayda yaryar ee degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan.