Banaanbax ka dhan ah weerarka Imaaraatka oo Muqdisho lagu qabtay

Shacabka Muqdisho oo isgoyska Taleex uga banaanbaxaya weerarka gardarrada ah iyo faragelinta qaawan ee dowladda Imaaraadka Carabta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Bulshada Muqdisho ayaa muujiyey sida ay u diidan yihiin tallaabooyinka garadarrada ah ee Imaaraatku ku faragelinayo arrimaha gudaha Soomaaliya, taas oo khilaafsan dhaqanka dowladnimada iyo nidaamka diblomaasiyadda sharciga ku dhisan.