Muqdisho((Wargeyska Dalka):-Waxa saaka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka socda Banaan Bax lagu taageerayo Madaxbanaanida ,midnimada iyo Wadajirka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Banaan Baxaan ayaa looga soo horjeedaa Xadgudubka Israa’iil kula kacday Midnimada Dhulleed ee JFS.
Banaan Baxaan, ayaa waxa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee Bulshadda sida; Odayaasha Dhaqan,Haweenka, Ganacsatada,Dhalinyarada iyo Maalmulka Degmada.
Waxa sidoo kale mudaharaadkan ka qayb gelaya qaybaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir,Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ayaa waxa si weyn uga socda Banaan Baxyo is daba joog ah kuwaas oo Shacabka Soomaaliyeed ku Difaacayaan Midnimada Dalkooda sidoo kalena Dunida fariin ugu dirayaan.


