Guddiga Golaha Shacabka u qaabisan arrimaha diinta, Cadaalada iyo Awqaafta ayaa sheegay in shirkadaha ku tartamaayey adeegga Xajka ee sanadkaan loo xulay si cadaalad ah oo ay ku dheehan tahay kalsooni.
Guddigaasi ka socday labada gole ee baarlamaanka ayaa xusay in muddo 24 cisho ah ay wadeen jormeer iyo la socod ku aadan qaabka loo xulayo shirkadaha qaabilsan adeegga xujieyda ee sanadkaan.
Xubnaha baarlaamka,a waxa ay u mahadceliyeen Guddigga wasaaradda Awqaafta ee loo xilsaaray Tartanka Adeega Xajka sanadka 1444/2023,kuwaas oo habeenimadii xalay soo gabagabeeyay howshii loo idmaday .
Xildhibaanadaasi,waxa ay ku  Baaqeen in heyadaha dowladda ay ku dhiiradaan talaabadaasi daahfurnaanta ah ee ay qaadeen maamulka wasaaradda Awqaafta.
Guddigga Tartanka Adeega Xajka sanadka 1444/2023 ayaa xalay soo gunaanaday howlaha Tartanka Adeega xajka,iyagoo ka warbixiyay howlihii uqabsoomay intii uu socday Tartansiinta Shirkadaha daneynaayey u adeegida Xujeyda Soomaliyeed.

