Kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab Umadda Soomaaliyeed labaatankii sano ee ugu dambeeyay waxay dalka ku haayeen dhibaatooyin badan, sida dilalka qorsheysan ee Haldoorka, Aqoonyahannada, shacabka, madaxda dowladda, burburinta ganacsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhan.
khawaarijta marna uma kala soocna dadka rayidKa ah iyo dowladda balse kurti waa iskugu mid si ay dhiiga dad qiimaha badan ee Soomaaliyeed ay u daadiyaan.
Dhibaatooyinkaas aan kor ku soo xusay ayaa waxa ay keentay in kooxda khawaarijta ah ee naflacaariga ah lagu qaaday kacdoon dadweyne iyo mid dowladeed oo ka dhan ah, taasina waxa ay soo dadajisay in khawaarijta ay gashay qalbiyadooda rucbi(cabsi) kala fir- xad iyo jab xooggan waxaana ay arinkaa soo dadajisay in laga ciribtiro khawaarijta deegaano badan oo ay in muddo ah shacabka ku gumaadi jireen.
Sidoo kale, Jabka xooggan ee soo gaaray kooxda khawaarijta ee Alshabaab ayaa waxay ahayd dhaqaalo xumadii ugu darneyd ee Abid soo marta kooxda waxaana laga cuna qabateeyey kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab dhaqaali baadan oo ay ugu magac dareen sakawaad ayaa laga joojiyey waxaana kooxda ku yimid ciriiri dhaqaale oo ugu dambeyntii sababay in ay iyaga isdagaalaan oo ay isdilaan kooxda maafiyada ah ee khawaarijta Al-shabaab.
Dhanka kale, baaddii ay khaadan jireen kooxda khawaarijta haddii ay meesha Ka baxday ma isbaddali doonaa dhaqaalaha dalka.
Jawaabtu waa haa sababtoo ah dhaqaalaha dalka waxaa ku imaanaayo isbaddal xooggan waxaana koraya dhaqaalaha dalka waxaa imaanaaya maal gashadayaal badan oo daneenaayo in dalka ay maalgashi xooggan ku sameestaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa Ka yaraaneyso lacagaha sharcidarrada ah ee ay Ka qaadan jireen kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab taasina badalkeeda ganacsatada Soomaaliyeed ayaa hormarin lahaa ganacsiyadooda ayaga oo dalka keeni lahaa warshado kala duwan oo soo saarto alaabo kala duwan oo ay bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin.
waxaa meesha Ka dhalanaayo fursado badan oo ay helayaan dhalinyaro badan oo shaqo la’aan ah in ay shaqo helaan, ganacsigiina uu sii xoogeysto dhaqaalihiina waa uu kobcayaa.
Ganacsiga sidoo kale waxaa loo iibgeenayaa wadamada dariska ah ee aan laheen Bad sida Ethiopia iyo South Sudan oo aan Ka sameen karno dhaqaalo xooggan oo kaaba yaasha dhaqaale ee dalka isbadal xooggan ku keeni karo
sidoo kale ganacsiga waxaa loo iibgeen karaa wadamada kenya, Uganda iyo Tanzania oo dhamantood aan layeelan karnaa xiriir ganacsi.
Ugu danbeyn dowladdu faa’iido weyn ayeey iyana ka heli doontaa sababtoo ah ayada kaligeed ayaa canshuureyso ganacsatada kala duwan ee dalka, sidoo kale dowladdu dalka waxa ay keeneysaa maalgashadayaal heer caalami ah si shaqaalaha dalka uu kor ugu kaco dowladda waxaa Ka yaraanaya dhalinyarada faraha badan ee shaqo la aanta ah intaasi oo dhan dowladdu waa u faa’ido.
Dalka Edatorial