Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka,xildhibaano labada gole, masuuliyiin ka socotay xafiisyada madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho.