Awoodda shacabka waa dariiqa kaliya ee lagu gaaro guusha

Waxaa nasiib darro ah in koox dad ah oo sheeganaya magac islaam ay ka shaqeeyaan falal lid ku ah shacbiga oo lagu baabi’inayo nolosha iyo hantida dadka birimageydada ah ee xilligaan la daalaadhacaya abaaraha baahsan ee ka jira dalka.

Dhab ahaan kooxda Al-Shabaab iyo kuwakale ee argagixisada ah ee jooga Soomaaliya waa kuwo aan raad ku laheyn saxnaanta caqiidada diiniga ah ,isla markaana ku  been abuuratay kitaabka iyo sunada rasuulka (NNKH).

Kooxdani,waxa ay gubeen ama qarxiyeen ceelal iyo baraago dhowr ah, waxa ay xannibeen gawaarida daabula nuucyada cunnada, iyagoo laayeen dad badan oo birimageydo ah oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay beeraha iyo xoolaha.

Tallaabooyinkaan foosha xun ee ay ku kaceen kooxaha nabad-diidka,waxa ay muujinayaan ama na tusayaan wajiga arxanka daran iyo ujeeddooyinka fog ee kooxaha argagixisada ay ku doonayaan in dalkaan ay ka dhigaan mid ka go’an dunida intiisa kale,isla markaana gabbaad u noqda kooxaha argagixisada ee caalamkiga ah.

Iyadoo laga duulayo waxyeelada kooxaha nabad-diidka,dadka Soomaaliyeed waxay billaabeen inay si iskood ah u kacaan iyagoo ka jawaabaya baaqqa Dowladda ee lagu ciribtirayo xumaanka argagixisada, waxaana  dhacday bishii la soo dhaafay, ciidanka dowladda iyo shacabka oo isgarabsanaya in kooxdaasi laga saaro magaalooyin iyo tuulooyin badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada dowladaha goboleedyada qaar oo taageero ka helaya dadka shacabka ah,waxay dagaallo naxariis la’aan la galeen kooxaha argagixisada ,iyagoo u geystay jab iyo halaag ,isla markaana la wareegay deegaanno badan oo ay horay u joogeen kooxdaasi.

“Waxaan hadda ku kalsoonnahay innagoo kaashanayna taageerada shacabka in Dowladdeennu ay ka tirtiri doonto argagixisada Soomaaliya maxaayeelay dadka Soomaaliyeed waxay ugu dambeyn garawsadeen in ficillada naxariis-darrada ah ee Alshabaab aysan dhammaan doonin illaa aan qaadno tallaabooyin arrintaan looga guuleysanayo”ayuu yiri madaxweyne asan Sheekh.

Dadka Soomaaliyeed waxaa xilligaan ay garwaaqsadeen oo ay aammineen in mustaqbal wanaagsan oo u ifa dadka iyo dalka uu ku xiran yahay ciribtirka kooxaha nabad-ddidka ee Al-Shabaab.

Awooda shacabka waa dariiqa kaliya ee lagu gaaro guusha,sidaa daraadeed,kacdoonka shacabka ee hatan ka socda gudaha dalka waa go’aan wadajir ah oo ay qaateen dowladda iyo shacbiga,waxaana waajib ah in la dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo kuwa caalamiga ah ee jooga dalka.