Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay tahay waxba kama jiraan sida ku xusan sharciga caalamiga ah.
Bayaan laga soo saaray xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, ayaa lagu xaqiijiyay midnimada dhuleed ee Soomaaliya,waxaana la dalbaday in si degdeg ah looga noqdo go’aanka aqoonsiga ee dhacay Diseembar 2025.
Midowga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday in xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan,iyagoo si cad u diidaya Jamhuuriyadda Somaliland,isla markaana taageeray madaxbannaanida buuxda ee Soomaaliya.
Dhinaca kale.golaha ayaa soo dhaweeyay guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee al-Shabaab, waxaana lagu dhiirrigeliyay ciidamada amniga Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamka inay xoojiyaan howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.
Sidoo kale bayaanka ayaa lagu xusay in maamulada ka jira dalka ay sii wadaan dhinacooda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Israa’iil ayaa weli ah dalka kaliya ee aqoonsaday Soomaaliland ,waxaana tallaabadaasi ay dhalisay dhaleeceyn xooggan oo ka soo yeertay Geeska Afrika iyo guud ahaan dalalka caalamka.

