Argagixisada al shabaab ayaa waxay inta badan jiritaankooda sii xoojinya oo halka ay hada joogaan soo gaadhsiiyay ganacsatada, ganacsatada ayaa ah kuwo inta badan ay ku hayaan hanjabaado ,dhac iyo boob iyagoo dhaqalahooda lagu handadayo. Argagixisada ayaa waxaa ay dadka xoolohooda kaga qaataan siyaabo kala duwan iyogoo usoo daliishanaya Aayado Qur’aan ah, xoolaha la qaado ayaa loo yaqanaa Sakawaad iyo Taakulayn
Ururka al shabaab oo banaystay in ay daadshaan dhiiga shacabka Soomaliyeed iyagoo oon geed ugu soo gaban oo u bareeray
Shacabka ku nool gobolada ay ka taliyaan ayaa la daalaa dhacay dhibatooyinka ay ku hayaa, dadka rayidkaa ee jooga goobahaas ayaa ah kuwo ka araday nolosha dhinacyadeeda kala duwan sida Waxbarashada , Caafimaadka ,Biyaha iyo is-gaadhsiinta intaba.
Intaa waxaa u sii dheer tacadiyada iyo gabood falada joogtadaa ee lagu hayo naftooda iyo Maalkoodaba.
Dhaqaalaha al shabaab ay shacabka ka uruuriyaan ayay ku dabaraan wax kasta sida hubka iyo agabka kale ay u baahanyihiinba
Waxaa sidoo kale intaa dheer oo kasaacida oo kaalmeeya dad aan u muuqan nolosha iyo hurmarka laga heli karo Soomaliya oo yeelata dowlad awood badan oo magac iyo mansaba leh laakiin kaliya uu u muuqdo shilinka maalinta ah ee loo yaaqaano ( dhunkaal dhadhami) oo macnaheedu yahay qaado waa kuu qalmin.
Dadka jaahiliintaa ama wax magarata ayaa qaybta ugu muhiimsan u ah Al- shabab waayo waa dad aan mabaadii iyo fikir midna lahayn laakiin ah calooshood u shaqastayaal ama dhuuni raac aan raad nololeed lahayn.
Dadka noocan ah waa la kiraysta yaal oo iyago miiska go’aan ka iyo gorfaynta midna ma joogaan
Sidoo kale waxaa jira cadow aan dantiis garanayn iyo dabaal
Sidoo kale waxaa jira jaahil aan aqoon diineed iyo mid maadiba aan lahayn, midkaasi waaa kan ugu xun oo ay fududahay in looga faa’iidaysto dhinacwalbe, waayo malahan cilmi uu ku kabayo garaadkiisa taasi waxay fududaynaysaa in uu si fudud ku qaato wax kasto oo loo sheego, qalad iyo saxba.