Argagixisada Al-Shabaab oo isbitaalka degmada Ceelbuur ka saaray bukaano lagu daaweynayay

Kooxada argagixsada Al-Shabaab oo jab xooggan ka soo gaaray dagaalkii Degmada Baxdo ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur,halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u badan oo dhagarqabayaashooda ka soo gaaray dagaalkii Baxdo.

Bukaanada horay isbitaalka loogu daaweynayay ayay gabi ahaanba argagixisada Al-shabaab ka sareen dadka degaanka ayay u diideen Aaga isbitaalka madamaa ay dhigteen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay degmada Baxdo.

Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur oo la hadalay Warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada meydadka Al-Shabaab ee dagaalkii Baxdo kor u dhaafineysa 100 xubnood.

Argagixisada ayaa sidoo kale xoola baad ah oo isugu jira shidaal iyo sahay kale ka qaatay ganacsatada deegaanka Ceelbuur,isbitaalka waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud.