Argagixisada Al-Shabaab oo gubay tuulooyin hoostaga degmada Balcad

Nabad-diidka Alshabaab ayaa gubay guryo ku yaal tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay ku dhaqnaayeen dad u badan beeraley iyo xoolo dhaqato.

Mareerey oo qiyaastii 5-km waqooyi bari ka xigta degmada Balcad ayay shalay galinkii dambe argagixisada gubeen, iyagoo baa’biyay guryihii dadka danyarta ah ay deganaayeen, halka Mukey Dheere la gubay Jimcihii.

Dadka ka barakacay tuulooyinkaas, ayaa hadda waxay duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo barakaceen.