Argagaxisada oo laga soo ooday ilihii dhaqaale ee ugu dambeeyay (WARBIXIN)

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ku dhow 7- bilood dagaal kula jirta Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Khawaarijta, waxaana laga abaaray dhinacyo badan, waxaana lagula diraray qaab dhameystiran, kaasi oo isugu jira ina lagu wajaho dagaal iyo guluf xooggan oo dhinaca Ciidamada ah, waana looga guuleystay, waxaa kaloo laga wajahay dhinaca fikirka, taasi oo ay Culumaa’diinka Soomaaliyed caddeeyeen inay yihiin  Khawaarij, uuna bannaan yahay dagaalkooda iyo kan dhaqaalaha oo isna hirgalay, waxaana soo baxaya baaqyo badan oo Dadka looga digaayo inay lala macaamilo Kooxdaasi.

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugida qaranka NISA ayaa uga digtay ganacsatada inay u hoggaansamaan amarrada Khawaarijtu ay ku doonayaan inay ku boobaan hantidooda, kadibna loo isticmaalo hantidaas gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hey’adda NISA oo nuqul kamid uu soo gaaray SONNA ayaa lagu sheegay in Hey’adda NISA ay si dhow ula socoto isku dayo ay khawaarijtu ugu yeereyso dad ganacsato ah deegaano hoos yimaada shabeelada Hoose.

Hey’adda Sirdoonka  iyo nabadsugidda Qaranka waxay si dhow ula socotaa isku dayo khawaarijtu ugu yeeriyaan Dad Ganacsato ah deegaanno hoos yimaada Gobolka Shabeelada Hoose, haddaba Hey’addu waxa au uga digeysaa Ganacsatada in ay u hoggaamansamaan ammarada Khawaarijtu ku dooneyso ina ay ku boobaan hantidooda, kadibna loo istcmaalo hantidaasi gumaad Dadka Shacabka ah.

Sidoo kale Hey’addu waxay ugu baaqeysaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan Xaruuaha Khawaarijta, maadaaa ay bartilmaameed u yihiin Hey’adahas Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada ayaa go’aano adag oo ka soo baxay waxaa lagu faray shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh muddo sadex (3) usbuuc ah, iyadoo hay’adaha maaliyadeed, Bankiyada, Xawaaladaha iyo Shirkadaha bixiya adeegyada lacagaha mobile-lada lagu faray inay ku soo gudbiyaan warbixinadda ay warsadaan hay’addaha ku shaqada leh sida Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud muddo 24 saac guddahood

Dhanka kale bulshadda Soomaliyeed ayaa la wargaliyay in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, wuxuuna Warbaahinta u akhriyey Go’aanno adag oo ka soo baxay Guddiga la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgalinta Argagixisada.

Go’aanadaan ayaa si khaas ah u khuseeya Xawaaladaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha dhulka iyo kuwa isgaarsiinta, sidaasi awgeed ayuu  Guddiga Qaran ee la-dagaalanka Lacag Dhaqidda iyo ka-hortagga Maalgelinta Argagixisada(National Anti-money laundering and Combating terrorist Financing Committee-NAMLC).ayaa Markii uu arkay: Xeerka Ka-hortaga Lacag dhaqidda & Maalgelinta Argagixisada.Markii uu arkay: Waajibaadka shaqo ee guddiga.Markii uu yaqiinsaday: inay waajib tahay in ilaha dhaqaale ee ay ka faa’iidaysan karaan khawaarijta laga hortago, lana adkeeyo dadaalada Dowladda ay ku xannibayso tubooyinka iyo marinada dhaqaale ee khawaarijta.Markii uu garwaaqsaday: Dagaalka khawaarijta Al-shabaab iyo dhamaan argagixisada dalka ka jira ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane: Xasan Sheekh Maxamuud.Markii uu dhagaystay: Jihaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, markaasi kadib ayuu Guddigu soo saaray go’aannada ku aadan sidii loo ciribtiri lahaa meelaha ay dhaqaalaha ka hekaan Kooxda maleeshiyaad Khawaarijta.

Go’aanada oo dhammaantood aad muhuum u ah ayaa waxa aan mid mid u dul istaagi doonnaa, inaga oo ka bilaabi doonno qodobka kowaad oo u qoran sidan:-

  1. Guddigu waxa uu muwaadiniinta Soomaliyeed ku wargalinayaa in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta khawaarijta, gaar ahaan dembiyada lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada.

Qodobkaan faahfaahintiisa ah ayaa ah, Lacag dhaqida iyo maalgelinta Argagixisada waa dambiyo waaweyn si waafaqsan qodobada 2-aad iyo 3-aad ee sharciga ka hortaga lacag dhaqida & maalgelinta Argagixisada, kaasi waa cad yahay.

Qodobka 2-aad ayaa u qoran sidan:- .Dhammaan shirakadaha, dadka ka ganacsada dhulalka iyo dhismayaasha waa inay iska diiwaangeliyaan, islamarkaana ogolaansho ka heystaan wasaaraddaha iyo hay’addaha ku shaqada leh, iskuna diiwaangeliyaan muddo sadex (3) usbuuc gudahooda oo ka bilaabanta taarikhda marka ay tahay 11/02/2023. Ciddii aan isku diwaangelin muddadaas, waxaa lagu qaadayaa ciqaabahaku xusan qodobada 28-aad iyo 29-aad ee sharciga ka hortagidda lacag dhaqida iyo maalgelinta argagixisada iyo qodobka 332-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed oo kala ah:-

  1. Xabsi ciqaabeed
  2. Ganaax lacageed
  3. Xayiraad safar
  4. Kala noqosho shati ganacsi &
  5. In la isugu daro dhammaan ciqaabaha kor ku xusan.

Haddaba war lee maan wadeynaa waa cad yahay qodoboda looga digayo Ummdda Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin la macaamilka Kooxada Argagaxisada ah, iyo waliba sharigii lagu qaadi lahaa hadday ku dhacaan dabinada loo dhigay, waxaana jiri doona dabagal iyo la xisaabtan meelaha lagu tuhmaayo inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Argagixisada ah, maadama looga wada adkaaday dhinacyada Militariga, Fikirka iyo dhanka Dhaqaalaha, ayaa sharciyadaani ku sii giijinaayaan xayiraadda dhanka dhaqaalaha ee saran Khawaarijta.

Haddaba falanqeeyayaashu maxay ka yiraadeen Go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan  Go’aanka Guddiga la dagaalanka lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagaxisada?

La soco qeybta 2-aad

By C/laahi Ruush