Arday Soomaaliyeed oo Bandhig dhaqameed kaga qeyb galay Shiinaha

Changsha:-  Magaalada  Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha toddobaadkan waxay martigelisay Bandhig dhaqameed, kaas oo ay ka qeyb galeen arday badan oo Ajaaniib ah oo ay ku jiraan ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas.

Bandhig dhaqameedkan ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Central South University (CSU) ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta jaamacadda, marti sharaf iyo arday badan oo badan oo ka kala socda in ka badan 40-Dowladood oo Soomaaliya ay ku jirto.

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Shiinaha ayaa madasha ku soo bandhigay ciyaar dhaqameed cajiib ah iyo cunto dhaqameedkeenna oo noocyo kala duwan leh, taas oo si weyn u soo jiidatay dhammaan dadkii munaasabadda ka soo qeyb galay.

Dhallinyaro ku lebbisan dharka hiddaha iyo dhaqanka, isla markaan lulaya Calankeenna Soomaaliyeed ayaa goobta wacdaro ka muujiyay, iyadoo qiimeeyn la sameeyayna ay Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu horreeya bandhig dhaqameedka ka dhacay magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan ee dalka Shiinaha.

Axmed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ah Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Changsha oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in sanadkan si weyn u diyaargarowbeen,islamarkaana goobta ay la tageen bandhig cajiib ah oo kor u qaaday sumcadda dalkeenna, wuxuuna si gaar ah ammaan ugu jeediyay gabdhaha Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaateen bandhigga.

Madaxdii iyo Ajaaniibtii kale ee Bandhigga ka soo qeyb galay ayaa u riyaaqay bandhiga cajiibka ah ee ardayda Soomaaliyeed soo bandhigeen, iyagoo ku tilmaamay mid kaalin muhiim ah ka qaatay habsami u socodka munaasabadka.