Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo

Agaasimaha Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa faah-faahin buuxda ka bixisay xaaladda barakacayaasha Soomaaliya iyo wadiiqooyinka looga saarayo xaaladda barakaca halka milyan.

Marwo Zahra Cabdi oo ka hadlaysay aqoon is-weydaarsi ku saabsan dejinta qorshe-hawleedka Wadiiqooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in hadafkoodu uu yahay in barakacayaasha loo helo xal dhab ah.

Aqoon-isweydaarsiga waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Wasaaradda Qorsheynta, Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, waxaana ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, Mudane Ayaanle Xuseen Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Hawlaha-Guud iyo Guryenta iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiska ee Jubbaland, wakiillo ka kala socday Hay’adaha Dowlad Federaalka, Gudoomiye Gobolka Jubbada Hoose, Gudoomiyayaasha degmooyinka Dhoobley, Kismayo, Xoghayaha Joogtada ee Degmada Doolow, Gudoomiye ku-xigeenka Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha UN-ka, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Urrurada Bulshada Rayidka iyo xubno ka mid ah barakacayaasha.

Aqoon is-waydaarsigan ayaa waxaa laga soo saari doonaa Qorshe hawleedka dowlad goboleedka Jubbaland oo qayb ka noqon doono qorsha-hawleedka Qaran ee Xalka Waara oo qeexaya talaabooyinka loo baahan yahay in hal milyan oo qof oo barakacayaal ah looga saaro xaalada barakaca iyo hindiseyaal kor loogu qaadayo in barkacayaasha helaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dib-u-dejin, iyo sidoo kale talaabooyin wax looga qabanayo waxyaabaha sababay barakaca, sida colaadaha, faqriga, iyo isbedelka cimilada oo keenaa abaaraha iyo daadka.