Aqalka Cad oo Congress-ka ka codsaday inay ansixiyaan $6.4 bilyan oo lagu caawinaayo Ukraine

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, ayaa ka codsaday Congress-ka  inay ansixiyaan  lacag gaareysa 6.4 bilyan oo doolar, si wax looga qabto dhibaatooyinka bini’aadannimo iyo kuwa amni ee ka taagan Ukraine ka dib duulaankii Ruushka uu dalkaasi ku qaaday.

Lacagahan ayaa loo kala qoondeeyay laba qorsha oo kala ah gargaar bini’aadannimo iyo taageero Milatari, sida ku cad codsiga Aqalka cad, 2.9 bilyan oo doolar ayaa loo qorsheeyay in lagu bixiyo gargaarka bini’aadannimo, halka $3.5 bilyana la sheegay in looga talagalay gargaar dhanka Milatariga ah, iyada oo la marsiinayo Wasaaradda gaashaandhigga Ukraine.

Koongaraska Mareykanka ayaa ugu horeeyn  sida la sheegay qaddarin doona $2.9 bilyan ee loo qoondeeyay gargaarka bini’aadannimo, iyadoo loo marsiinayo Hey’adda USAID.