Anthony Blinken Oo Ku Booriyey Abiya Axmed In Uu Qaboojiyo Qalaalaasaha Dalkiisa Ka Socda!

Anthony Blinken, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku booriyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed, inuu qaato mas’uuliyad waxa ka socda dalka, isla markaana uu soo afjaro rabshadaha ka socda gudaha dalkiisa, xilli ay weli dagaallo kala duwan ka socdaan waqooyiga dalka Itoobiya, kuwaasoo u dhexeeya ciidammada Dowladda iyo Jabhadda xoreeynta Tigray ee TPLF.

Blinken, ayaa Muuq baahiyaha CNN u sheegay in dagaalada ay horkacayaan xoogaga Tigrayga ay Itoobiya u horseedeen burbur iyo barakac shacab.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaqa Washington ee ku aaddan joojinta dagaalka ka socda Itoobiya, ka dib markii uu todobaadkii hore ka digay in Dowladda Itoobiya ay halis ugu jirto burbur, haddii aanan la helin wada-xaajood u dhexeeya dawladda iyo Jabhadaha ka soo horjeeda.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii bishan ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalka oo dhan ah, iyadoo ku amartay shacabka Addis Ababa inay u diyaar garoobaan difaacida deegaanadooda, iyadoo laga cabsi qabo in fallaagada TPLF, ay ka soo dhaqaaqaan gobolka Waqooyi ee Tigrega oo ay soo gaaraan caasimadda.