Maalmahan waxaa baraha ay bulshadu ku wada xadhiidhto si xoog leh uga socda dagaal guracan oo dhaqan iyo diin bi’is ah, una dhexeeya hablo iyo wiilal dadka mareegahaa adeegsada kamid ah.
Dhallinyaro wax ma garato ah malahaygana jafaliile”Sheydaan” hagayo ayaa u soo tafa-xaytay falal aad u xun xun oo carruur iyo cirrooleba amakaag iyo af kala qaad ku noqday, wadaad iyo waranlena ay isku si u inkireen oo qaadan waa iyo qayayaab noqday.
Dhaqankeenii suubaana oo awalba dhibaatooyin tira beel ah iyo dhaawacyo cul culus la dhutinayay ayaa dhabarka laga jabiyay, xabaalna lagu aasay oo axankiisii ceeb iyo cayaayir lagula kala carraabay.
Facshar iyo foolxumo aan waqood la arag ayaa jaadad kala duwan ee jinni qaadka “internet” loo garan ogyahay sidii gubato xagaa ugu faafay oo ka gees ka gees dal weynaha soomaaliyeed iyo aradka intiisa kaleba is qabsaday.
Damiirkii ayaa dhintay markaa baa gabdho iyo gabanoba sarriigtii ka tagtay kolkaa baa sidii xoolihii maryo iyo milgoba layska tuuray oo cawro wixii la qarin jiray dibadda la keenay, laguna xifaaltamay.
Ayadoo aan wax lays-kula hadhin ayaa muuqaallo qaaqaawan oo far iyo foodba aan jidhka xubinina ka dadnayn, si ku talo-gal ahna loo duubay la wareejinayaa oo rag iyo dumar qoloba qolada kale ka faafinaysaa, dadweynuhuna cid ka dhiidhisa daaye maba dhibsanayaan oo tartan ciyaareedkii ayaaba la wada daawanayaaa.
Aabbeyaal badan ayaa indhahooda oo shan ah lagu tusay gabdhahoodii oo sidii cunug dadab ah aan oogadooda calal qurihina ku xirnayn, oo ay kumanaani daawanayso, fagaare walbana cawradeeda mutuxan iyo ceebteeda lagu hadal-hayo.
Hooyooyin ku faani jirey inay wiilashoodu dhug iyo dhiifoonaan dhiggood kaga fooreen ayaa ku dhaygag iyo indha-diraandir la suuxi gaadhay kolkii ay baraha bulshada ku arkeen inamadoodii oo sidii ay u dhasheen ah, dumar aanay wax ka dhexaynna cawradooda hadiyad ahaan ugu diraya.
Saaqidiinta falfal xumidana ku howlan ka sukow waxaa jira kuwo kale oo buun buunin baahin ugu kaalmayna, oo anshax darrada iyo anafada ay wadaan ku sii dhiiri-gelinaya.
Dhibaatada baaxadda weyn iyo halista ay falalkani nolosha dadweynaha iyo dhaqanka u geysteen markii laga tago , waxay seero-dhaaf iyo burburin ku yihiin mid kamida tiirarka waaweyn oo diinteena udub-dheex u ah.
Mar waa qiyaano oo sir la faafiyay iyo sumcad dil qofeed ayaa lagu kacay, marna waa amaanadii oo si u la kac ah loogu ciyaaray, fadeexo iyo ceebaynna loo adeegsaday oo ruux muslim ah jiritaankiisii sharaftiisiiba lagu baabi’iyay.
Shareecadu waxay ilaalisaa nafta, maal, iyo milgaha”cisiga iyo cirdiga” dadka islaamka ah, ku xad-gubka 3-daa qodobna waxaa lagu mutaystaa caro Alle iyo cinqaab adag if aakhiro mid ahaan lagula kulmo.
Intaa oo waxyeello ah waxaa ka sii daran halista kale oo ka iman karta haddii aan si wadajir ah loogu gunta oo joojinta fuxshigan socda meel looga soo wada jeesan, dhaqanka iyo diinta sii iilanayana la badbaadin.
Waxyaaba ay falalkan guracani keeni karaan waxaa kamid ah dil, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qof dhan muuqaallo uu hayo dartood loo khaarajiyo ayadoo laga qabayo inuu faafiyo ama uu dano kale oo qalloocan u adeegsado.
Sidoo kale waxaa suurta-gal ah in waalidka gabadhiisa ama wiilkiisoo qaawan baraha bulshada ku arkaahi uu xanaaq isla madax maro oo uu ilmaha gowraco ama ciddii wax ka duubtay kurka ka jaro oo talo faro ka haaddo, nabad iyo nasiinona ay geed dheer fuulaan.
Haddaba si falal-xumadan loo joojiyo waxaa dowlad iyo dadweyneba inala gudboon inaanu fadhiga ka kacno oo da’yar iyo duqayba u guntanno sidii aanu arrintan wax uga qaban lahayn, wadaadada iyo wax-garadkuna ay sidii xumaantan looga dhiidhin lahaa u tafa-xaytaan.
WQ: Abwaan Hareeri

