Amniga caasimadda iyo wacyi-gelinta fikirka Khawaarijta oo laga hadlay

Kulan loogu diyaar-garoowbayay daah-furka sugida amniga caasimada iyo wacyigelinta fikirka khawaarijta ayaa maanta lagu qabtay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hanaanka amni-sugida caasimadda.

Waxaa ka qeyb galay, wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xil.Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Guddaha Maxamed Cali Xaggaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Sakiya Xuseen Wasaaradda ,Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay ka socdeen Agaasimaha Telefishinka Qaranka Sharma’arke Maxamed Warsame iyo Mareeye ku xigeenka Tiyaatarka Maxamed Barroow.