Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo xad-gudubyada Israa’iil ku sameysay Falastiiniyiinta

Gaza-Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa maanta ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool.

Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah.

Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil .