AMISOM oo tababar u furtay Askar ka tirsan Boliiska Koofur Galbeed Soomaaliya

Taliska Booliska AMISOM ayaa magaalada Baydhabo ugu furtay 25 sarkaal oo ka tirsan Boliiska maamul goboleedka koofur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan oo socon doona muddo Todobaad ah ayaa wuxuu ku saabsan yahay ka hortagga falalka Argagixisada, is-dhaafsiga xogaha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col, Amiin Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in koorsadan ay sare u qaadi doonto awoodda Boliiska Koofur galbeed, si ay ula dagaallamaan Argagixisada iyagoo kaashanaya bulshada.

Bisong Ejue, oo ka tirsan saraakiisha AMISOM ee tababarka bixineysa ayaa sheegay in la dagaallanka Argagixisada iyo ilaalinta bulshadu ay tahay mudnaanta koobaad ee uu siminaarkani u leeyahay Booliska.