Amiirka Qadar oo Dalka Sacuudi Carabiya uga qeybgalaya Shirka Wadamada Gacanka

Amiirka Qatar Amiir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa u ambabaxay dalka Sacuudi Carabiya,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka wadamada Khaliijka oo la filayo in lagu saxiixo heshiis rasmi ah oo ku saabsan soo afjaridda khilaafka Qadar kala dhexeeya xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.

Tallaabadaan ayaa timid kadib markii Wasiirka Arimaha Dibada ee Kuweyt uu ku dhawaaqay galinkii dambe ee shalay in Sacuudi Carabiya ay dib u fureyso hawadeeda, iyo sidoo kale xuduuda dhulka iyo bada ee ay la wadaagto Qatar, taasoo wadada u xaaraysa heshiis lagu xalinayo xiisada khaliijka.

Bishii Juun 2017-kii, Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Baxrayn iyo Masar waxay ku eedeeyeen Qadar inay taageerto argagixisada iyo inay aad ugu dhowdahay Iran.

Qatar ayaa marar badan beenisay eedeymaha loo soo jeediyay waxayna sheegtay in aysan jirin cudur daar sharci ah oo ku aadan xiriirka loo jaray.