Shir looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Baladweyne ayaa laga soo saaray amaro ka dhan ah dadka hubka sharci darada ah ku dhex wata Magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa isugu hay’adaha amniga iyo xafiiska adeer Ilaalinta Guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, waxaanna kulanka saacadaha uu socday diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.
Kuxigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Dhexe Carab Yuusuf Nuur oo faah-faahin ka bixiyay waxyaabaha ka soo baxay shirka ayaa sheegay in la isku afgartay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban ciidamada Booliska, Nabad-sugidda iyo Militariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay in ay gacan bir ah ku qabtaan dadka hubka sharcidarada ah magaalada ku dhex wata iyo kuwa callka ammaandari wada.
Sidoo kale, qodobada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in si wadajir ah looga hortago wax kasta oo khatar ku ah amniga guud ah ee gobolka.