Al-Shabaab oo Xoog Kula wareegay Cisbitaalka Dagmada Ceelbuur kadib markii la seexiyay maleeshiyaad kusoo dhaawacmay Baxdo

Kooxada argagixsada Al-Shabaab oo jab xooggan ka soo gaaray Baxdo ayaa si xoog ah kula wareegtay isbitaalka guud ee degmada Ceelbuur, halkaas oo ay dhigeen dhaawacyo aad u farabadan badan oo si dirqi ah kaga soo baxsaday dagaalkii dadka deegaanka Baxdo isaga caabiyeen dhagartii argagixisadu ay soo maleegtay.

Bukaanadii horay isbitaalka loogu daaweynayay ayay gabi ahaanba argagixisada Al-shabaab ka sareen, waxayna dadka degaanka u diideen Aaga isbitaalka madamaa ay dhigteen dhaawacyada askar iyo horjoogayaan Soomaali iyo Ajaanib katirsan Xagjirka Al Shabaab.

Sidoo kale dadka ku sugan Ceelbuur ayaa SONNA u xaqiijiyey in degmadaas la geeyey meydadka 37 dhagarqabe oo Baxdo lagu dilay, taas oo tirada dhimashada Al-Shabaab ee lagu dilay dagaalkii Baxdo kor u qaaday waxayna tirade laxaqiijinayo ka dhigeysaa100 xubnood.

Argagixisada ayaa sidoo kale xoola baad ah oo isugu jira shidaal iyo sahay kale ka qaatay ganacsatada deegaanka Ceelbuur, isbitaalka waxaa dib u howl-geliyey dadka deegaanka oo isku tashaday, balse hadda waxaa kala wareegtay argagixisada oo ku soo jabtay dagaalkii ay Jimcihii ku qaadeen degaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud