Al-shabaab oo holac naareed kala kulmay Bud Bud iyo Shabeeloow (WARBIXIN)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye koor koor, islamarkaana uu u wakiishay sii hoggaaminta Dagaalka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sh. Maxamuud oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa guriceel ku booqdey cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee uu-duhaana oo ka soo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, kuwaasi oo hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka khawaarijta ee ka socda dalka.

Ciidankaan oo lagula kulmiyay xerada Harqaboobe ayay Madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka khawaarijta, kuna daysadaan geesiyaasha maalmihii la soo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay khawaarijta.

Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ciidankan ku sifeeyey kuwo laga sugayo inay khawaarijta kala soo baxaan godadka ay naf sida lacaarigga kula dhuunteen  khawaarijta, ayna diyaar u yihiin inay ka sifeeyaan dalka oo dhan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo hadallo dhiirigelin, dardaaran iyo tusaaleynba leh u jeediyey ciidankan ayaa sheegay in ballantu tahay inay socodka dambe isku arkaan goobo guulo laga keenay oo hor leh oo laga baacaaday kooxda cadowga ah ee khawaarijta.

Dhinaca kalena Kooxda Khawaarihjta waxaa jab xooggan iyo holac naareed ayaa Xalay lagu dhadhansiiyay Deegaanka Bud Bud ee ka tirsan Degmada Galcad ee Gobolka Galguduud, waxaana ka waramaya Hoggaamiyaha Ciidanka Deegaanka ee Macaawisleyda Mujaahid Cabdi Hagar Barre “ waxaan dagaal kala kor dhacnay, isalmarkaana isku fara saarnay meel u dhow deegaanka Bud-bud kooxda Khawaarihjta ah, waxaana ka dilnay Horjooyaal iyo Maleeshiyaad badan, waxaana kala wareegnay waxa ay siteen oo hub ahaa iyo saanad, Deegaankana haatan Ciidankeenna ayaa kun sugan”, Khawaarijta ayaa doonayay inay duulaan ku qaadan Deegaanno ka tirsan Deegaanka Daarunimca ee Degmada Ruunnirgood ee ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana ka hortagnay, arrintooda damaca ahaana fashinayay Ciidanka  Macaawisleyda Deegaanka Bud-bud.

Hoggaamiye sidii Hibaad Cali Dasar iyo Cilmi Xagar ahna ayaa ka soo baxay Dadka ku nool Deegaanka Bud Bud, Qofkaasi waa kuma? Waa Hoggaamiye Mujaahid Cabdi Hagar Barre,  guul ayaan u rejaynaynaa iyo deegaankaasi quruxda badan ka badbaadintiisa khawaarijta arxanka daran.

Waxaa kaloo naarta lagu dhadhaniiyay Khawaarijta Howdka Deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta gobolka Mudug, waxaana  ka socday duqeymo barakeysan oo lagu bartilmaameydsaday Gawaari dagaal iyo Maleeshiyaad fara badan oo khawaarijta Al-shabaab ka tirsan, waxaana la soo Warinayaa khasaaro aad u xooggan oo halkaas ku gaaray khawaarijta, kuwaasi oo  markoodii horeba u taag la’aa weerarrada Daraawiishta Galmudug, Ciidamada dowladda iyo kuwa Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda, waxayna Khawaarijta ka mareysaa maxaa Mudug idin keenay?.

Warar ay heshay SONNA ayaa tibaaxaya in Kooxda Khawaarijta ah ay ku cataawday Dadka dega Mudug oo ay leeyihiin “ maxaad naga rabtaan anna dhul idinka ma heysanno, idiinna iman mayno ee na nabadgaliya”, oo ay ka wadaan waan idinka tageynaa meelaha kale ayaan joogeynaa ee adinka ka mudug ahaan naga leexda, kaasi oo loo macneyn karo waxa ka qabsaday iyo khasaaraha ay kala kulmeen intii ay dagaalka kula jireen.

“Odaygii Khawaarijtu ay soo kicin jirtay mar walboo ay aad nafta ugu yaabto ayaa cod tabar-daran ku calaacalay isagoo ku hadaaqay seddex arrimood oo aan aheyn kuwii kooxda horay looga bartay, isagoo la hadlaya reerkiisa ayaa yiri: 1. Dhul la idinkama heysto oo xoraysan maysaan!.2. Xoolo la idinkama dhicin oo soo dhacsan maysaan!. 3. Diintiina oo lagu soo duulay difaacan maysaan!”, sidaasi waxaa yiri :- Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XfS Mudane Axmed Macallim Fiqi.

Kooxdu marka ay jabto waxaa lagu yaqaan inay raadiyaan beer jilecsi, isagoo calaacalkooda ka sii hadalya ayuu Wasiirku sii raaciyay, “Sidaasi daraadeed wuxuu ku baryootamay in  dagaalka ay joojiyaan oo dib u noqdaan!!”

Waa wax lala yaabo in iyadoon la is gaarin, dagaalkii bilow yahay iyo hal dagaal oo kaliya oo dhacay ka dib, haddii ay sidaas uga cabaadeen ciidamada xaq u dirirka ah ee Mudug kula dagaalamay, matrka waxaa is weydiin mudan, “sidee ugu gigsan doonaan dharbaaxooyinka iyo cadaabka ku soo socda ee ka xanuun badnaan doona kuwii hore”?.

“Odayga ay soo kiraysteen Khawaarijtu, bilo ka hor wuxuu ku goodinayay xafiiskaada ayaan kuugu imaanaynaa, maantana waxaa loo soo dhiibay calaacal iyo catow! Khawaarij Fartaag iyo kooxdiisu; shalay waa talo xumaayeen markii la is qabteyna waa kuwaas tiiro gaabtay!”, ayuu ka yiri Wasiir Fiqi calaacalkooda, marka waxaan leenahay Dagaalka Khawaarijta lagula jiro waa xaq waana jihaad hadafkiisu yahay in laga ciribtiro Soomaaliya Khawaarijta ku soo duushay.

Goor dhow ayay Dowladda Soomaaliya soo saartay War saxaafadeed ka hadlaya Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada Caalamiga ah oo xalay laga fuliyay deegaanka Shabeelloow ee koofurta gobalka Mudug.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qorna:- Howlgalka waxaa lagu beegsaday Maleeshiyaad Khawaarij ah oo ku dhuumanaya howdka deegaankaa Shabeeloow, waxaana uu ku soo dhamaaday guul. Hadafka koowaad ee howlgalka ayaa ahaa burburinta Gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa. Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaasi waxaana goobta ku halaagsamay Maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe. Sidoo kale waxaa la gubay dhammaan Agabkii Khawaarijta ee saarnaa Gaadiidkaasi.

Shabeelloow oo Maalmo ka hor Khawaarijta loogu geystay jab aad u xooggan ayaa ah goob ay isku dayayaan in ay gabaad ka dhigtaan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee ku harsan Koofurta gobalka Mudug, waxaana ku hareeraysan Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka Deegaanka, kuwaasi oo horay Khawaarijta uga sifeeyay inta badan Gobalka Mudug ayay Dowladdu ku soo gunaanaday War-saxaafadeedkeeda.

Haddaba waxaan ku soo gunaanadayaa oo aan Marka leenahay ‘Khawaarijeey geerida xanuunkeeda iyo dhimbilaha Naarta dhadhami ama gacmaha taagoo dowladaada isu soo dhiib’.