Al-shabaab iyo Af shabaab waa shirko aan wax is dhaamin

Shucuubta Aadanaha waxaa dhab ah in haddii la saaro cadaadis adag, waxaa laga filaa in ay sameeyaan ka dhiidhin falalkaasi xun, markii ay u adkeysan waayaan dullinimada lagu haayo, sida ay sameeyeen shucuubta ku dhaqan Deegaanno ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Gal-guduud, kuwaasi ay kula kaceen kooxda Argagaxisada ah ee Al-shabaab falal arxan darro ah, kadib waxaa abuurmay in ay is abaabulaan Dadka Deegaanka, bilaabaanna in ay la dagaalamaan ilaa ay ka xoreysteen qaar ka mid deegaannadooda.

Dowladda Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku baaqday inuu furan yahay Dagaal ka dhan ah Kooxda Argagisada ah ee Al-shabaab, waxayna caddeysay inuu jiro hal cadow oo ah Al-shabaab, sidaasina waxaa cod dheer ku dhahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuuna tilmaamay in ciddii taakuleysa, Lacag siisa, taageerta, niyadda ka jecel iwm ay la mid yihiin Kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay heystaan Argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, Dowladnimada iyo madaxbannaanida Dalka, sidaasina waxa uu ka sheegay mar uu shir-guddoominayay Shirkii golaha wasiirada, wuxuuna  kula dardaarmay golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan la dagaalanka Argagixisada, caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed, Wasaaradaha oo dhanna ay kaalin ku yeeshaan dagaalka ka dhan ka ah Argagxisada iyo xoreynta deegaannada ay haystaan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad degdeg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey Argagixisada Alshabaab, waxa uuna faray dhammaan Wasaaradaha in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan sidii deegaanadaasi looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada oo dhan kasta leh.

Madaxweyne Xasan Shiikh dalka waxa uu u jiheeyay in kooxda Al-shabaab cudud ahaan, dhaqaale ahaan iyo fikir ahaanba in dagaal lagu ciribtirrayo lagu qaadayo, haddana qeybo ka mid ah u dalka ka socdo, waxaana Argagixisada u furan inay isa soo dhiibaan, kuwa baadda siiyana  waxaa la gudboon oo kaliya inay joojiyaan, Telefoonada Alshbabaana ay iska xanibaan (Blockgareeyaan).

Dhinaca kale Dowladdu waxay dhowr jeer uga digtay qolooyin bixiya lacagaha baadda ah inay ka waantoobaan, balse ugu dambeyntii waxaa ka soo baxay amar mamnuucayo arrintaasi, waxaana amarkaasi faafiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sheegay isaga oo fulinaya doorka Wasaaradda ee la dagaalanka Kooxda Argagaxisada ah ee Al-Shabaab, waxa uu kulan la qaatay shirkadaha, Ganacsatada iyo Bankiyada, isagoo ku amray joojinta nooc kasta oo macaamil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa u sheegay mas’uuliyiinta shirkadaha in arrintani ay tahay go’aan dawladdeed islamarkaana ciddii fulin weyda laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan,isagoo carabka ku adkeeyey in marnaba aan la aqbali doonin in dhaqaalaha laga qaado ganacsatadu uu noqdo mid lagu xasuuqo, islamarkaana lagu gumaado Shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Dowladdu waxaa kale oo ay ku dhaqaaqday tallaabo wanaagsan oo ku saabsan in la xiro Baro Bulsho oo gaaraya 40 oo ay adeegsan jireern Kooxda al-shabaab, waxaa sidaasi sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, isagoo xusay in hawada laga saaray barihii ay Argagixisada ku baahin jireen wararka iyo farriimaha.

Wasiir Al-cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa yiri: “Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khawaarijta ee Warbaahinta waa xiran yihiin, waana socdaa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawladdu inta dhiman”, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed haddii ay arkaan mareeg ay Argagixisada ku gudbineyso warar marin habaabin ah in ay la soo xiriiraan degalka, [email protected].

Tallaabadaasi horumarka ah waxaa soo dhaweeyay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xil. Maxamed Xayir Maareeye, waxaa uuna boggaadiyay go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in aan la baahin Karin Wararka iyo Fikirka argagaxisida Al-shabaab, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri“Runtii dawladdu waxay maanta qaadatay talaabo aad iyo aad muhiim ugu ah la dagaalanka iyo dabargoynta argagaxisida iyo fikirka xagjirka ah ee looga been sheego diinteena suubban.” .

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa  yiri  “Talaabadan oo hore la isugu dayey ugu yaraan laba jeer ama aanu Golaha Wasiiradda iyo Madaxdii Qaranka horgeynay, waxaa fashiliyey kooxo, Ganacsato iyo shaqsiyaad si dadban ama si toos ah uga horyimid, ka dibna waxaanu weynay madax Qaran oo nagula adkaysata.”

Haddaba dhammaan tallaabooyinkaasi ay ku dhaqaaqday Dowladda waxay ka mid yihiin la dagaalanka kooxda Argagisada Al-shabaab iyo ciribtirkoodaba, waana in lagu gacan siiyo, lana garab istaago, sidaasi awgeed Al-shabaab iyo Af shabaab waa shirko aan waxba is dhaamin.