Agaasimayaasha iyo madax qeybeedyada shaqaalaha ee wasaaradaha dowladda oo maanta tababar loo furay

Guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar iyo wacyi-gelin ku saabsan xeer-nidaamiyaha maamulka shaqaalaha u furay Agaasimayaasha iyo madax qeybeedyada shaqaalaha ee wasaaradaha dowladda.

Tababarkaan oo ay ka soo wada qeyb-galeen Agaasimahyaasha iyo Madax qaybyadda waaxyada shaqaalaha ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha Maamulka Shaqaalaha.

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Cali Muu’min Muudey ayaa u furay Tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socdo waxa laga doodi doonaa 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Biixi Iimaan Cige.

Tababarkaan oo socon doono muddo Shan cisho ayay agaasimayaasha iyo madaxa qaybyadda kaga hadli doonaan dhaqangelintooda.