Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ismail Yusuf Osman ayaa maanta furay kulanka bandhigga natiijada cilmi-baaristii lagu sameeyay waxbarashada aas-aasiga ah ee degdegga ah (WAD) heerarkiisa 1aad iyo 2aad.

Kulankaan oo socon doonaa muddo 3 maalmood ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa natiijadii kasoo baxday cilmi-baaristii lagu sameeyay buugaagta manhajka WAD ee dhawaan dalka laga hirgeliyay, bandhigga keddib, khuburada ka qeyb-galaya kulanka ayaa doodo ka yeelan doona natiijadii kasoo baxday cilmi-baarista si loo meelmariyo loona ansixiyo.
Madasha Waxaa kasoo qeyb-galay, Agaasimayaasha Manaahijta iyo Taya-dhowrka, Lataliyeyaasha Wasaaradda Waxbarashadda, masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Waxbarashada Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banadir, macallimiintii qortay manhajka iyo martisharaf ka socotay mashruuca Bar ama Baro ee Hay’adda USAID Soomaaliya.