Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Wafdi la socday oo gaaray Kismaayo

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku tageen Xarunta Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo.

Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Jubbaland Mudane Xuseen Xersi Axmed, wasiirka Amniga gudaha Jubbaland General Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xubna kale oo ka socday maamulka Jubaland

Safarka shaqo ee Agaasimaha Guud ee Hay’adda ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Xafiisyada Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Caasimadda dowlad goboleedka Jubaland ee Magaalada Kismaayo iyo u kuur galka caqabadaha iyo horumarada shaqo ee ka jiro Laanta 2aad ee Hay’adda.