Agaasimaha guud Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka qayb galay Barnaamijka qiimaynta halista qaraxyada

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Maxamed Saciid Samantar iyo Agaasimaha Waaxdka Yurub iyo Maraykanka, Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa shalay Addis Ababa, Itoobiya, dalka Soomaaliya ku matalay Kulanka Farsamo 1aad ee Barnaamijka Amniga dalalka IGAD ee Qiimaynta Halista Qaraxyada ee Heer Gobol (First Technical Committee Meeting of the IGAD SSP IED Threat Assessment).

Waxaa kulanka 1aad lagu qiimeeyay sida qaraxyada argagixisada u saamaynayaan dalalka IGAD, gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka Farsamo 1aad waxaa shir-guddoomiye madaxa Barnaamijka Amniga IGAD (IGAD SSP) G/Sare Abebe Muluneh Beyene.

Dalalka kulanka ka qayb-galay waa Soomaaliya, Uganda, Kenya, Suudaan, Konfuurta Suudaan iyo Itoobiya.