Agaasimaha Guud Wasaaradda Beeraha oo ka qaybgalay Xuska 17-aad ee Maalinta Afrika ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (ADFNS 2026)

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee JFS, Eng. Maxamed Xasan Cabdulle, oo hoggaaminayay wafdi ka socday Wasaaradda, ayaa ka qaybgalay Xuska 17-aad ee Maalinta Afrika ee Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada (ADFNS 2026), oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Horumarinta Midowga Afrika (AUDA-NEPAD), iyadoo kaashanaysa Dowladda Kenya.

Shirkan heerka sare ah ayaa looga hadlay “Isticmaalka Waara ee Biyaha si loo Xoojiyo Nidaamyada Beeraha ee U Adkaysta Isbeddelka Cimilada, Sugnaanta Nafaqada iyo Barwaaqo Loo Dhan Yahay ee Afrika,” kaas oo ay isugu yimaadeen Madax iyo Wakiillo ka socday Dalalka Afrika, siyaasad-dejiyeyaasha, Hay’adaha Horumarinta, Ganacsatada iyo Daneeyayaasha Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada.

Agaasimaha Guud ayaa Madasha ka jeediyay Khudbad ku saabsan “Doorka Maaraynta Biyaha, Nadaafadda iyo Fayadhowrka ee Sugnaanta Nafaqada iyo Isbeddelka Nidaamyada Cuntada ee Afrika.” Waxa uu si gaar ah u iftiimiyay Xiriirka dhow ee ka dhexeeya maaraynta waarta ee Biyaha, kobcinta wax-soo-saarka Beeraha, ilaalinta Caafimaadka Bulshada iyo Horumarinta Nafaqada.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Afrika ay mudnaanta siiyaan Maalgelinta Kaabayaasha Biyaha iyo Waraabka, Horumarinta Beeraha u adkaysta isbeddelka Cimilada iyo xoojinta Iskaashiga heer Qaran iyo heer qaaradeed, si loo xaqiijiyo sugnaanta Cuntada iyo Nafaqada waarta.

Intii ay madashu socotay, waxaa si qoto dheer looga dooday mudnaanta la siinayo maalgelinta Kaabayaasha Biyaha ee u adkaysta isbeddelka Cimilada, casriyeynta nidaamyada waraabka, adeegsiga Teknoolojiyadda Beeraha, ilaalinta iyo tayeynta carrada, horumarinta silsiladaha qiimaha wax-soo-saarka Beeraha, xoojinta nidaamyada digniinta hore iyo ballaarinta fursadaha Maalgelinta Beeraha, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay doorka Haweenka iyo Dhallinyarada ee horumarinta Beeraha Afrika.

Natiijooyinka muhiimka ah ee Madasha waxaa ka mid ahaa xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo in Istaraatiijiyadda Kampala iyo Qorshaha Hawlgalka ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha Afrika (CAADP 2026–2035) loo beddelo qorshayaal Qaran oo la fulin karo, Maalgelin wax-ku-ool ah, Iskaashi Hay’adeed oo mideysan iyo natiijooyin horumarineed oo la cabbiri karo.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Horumarinta Beeraha, maaraynta waarta ee Khayraadka Biyaha, adkaynta nidaamyada Cuntada iyo xoojinta Iskaashiga Afrika, si loo gaaro sugnaanta Cuntada, Nafaqo wanaagsan iyo Horumar Dhaqaale oo waara.

 

 

FB_IMG_1793442250203.jpgFB_IMG_1793442232625.jpgFB_IMG_1793442229997.jpg