Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka oo Muqdisho ku qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa UNSOS, James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Agaasime Mustaf Dhuxulow ayaa la wadaagay wafdiga horumarradii ugu dambeeyay ee Hay’adda ee dhinaca adeeg bixinta, oo ay ka mid yihiin hirgelinta maaraynta amniga xuduudaha, casriyeynta adeegyada danabaysan ee hay’adda sida dal-ku-galka (ETAS), dalku-jooga iyo adeegyada baasaboor bixinta.
Agaasimaha ayaa xusay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu tayeynayo adeegyada, lagu xoojinayo hufnaanta, isla markaana lagu waafajinayo nidaamka socdaalka heerarka casriga ah.
James Swan ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhaweynta diirran iyo wada shaqeynta dhow oo ay la leeyihiin hay’adda. Waxa uu sidoo kale uu bogaadiyay nidaamyada cusub ee la hirgeliyay, isaga oo muujiyay inay si wanaagsan u soo dhoweynayaan horumarka lagu sameeyay casriyeynta iyo sugnaanta nidaamyada socdaalka.
Sidoo kale, Ergayga ayaa la wadaagay arrimo la xiriira xaaladaha dal-ku-galka iyo deggenaanshaha ee shaqaalaha Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan shaqaalaha kala duwan ee ka howlgala dalka.