Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XJFS oo Bandhiga Carwada Fitur kaga qeyb galay Dalka Spain

Screenshot

Madrid,(Wargeyska Dalka):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XJFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Fitur oo lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Madrid ee Dalka Spain.

Agaasimaha ayaa sheegay in ay  Soomaaliya ku soo bandhigtay waxyaabo badan oo Taariikhi ah sida, Cunto Dhaqameedka iyo Hiddaha Dhaqanka Dalkeenna.

Bandhigga Carwada Caalamiga ah ee Fitur oo soo bilaabatay 21-ka Bishan ayaa Maanta la soo gebagebeeyay, waxaanna Bandhigga qeyb ka ahaa Shirkado waa weyn oo ka qeyb qaadan kara Horumarinta Dalka.