Istanbul- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbul kulan casuumaad ah ugu sameeyay Agaasimaha Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, Sharma’arke Maxamed Warsame, u qeybsanaha warbaahinta ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Ifraax Cabdullaahi, Saxafiyiin ku ku nool magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Kulanka oo qaatay dhowr saacadood ah ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, waxaa uu xaaladiisa caafimaad ka wareystay Agaasimaha Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed, Sharma’arke Maxamed Warsame Sharma’arke,oo ka bogsanaya dhaawac ka soo gaaray qarax lagula beegsaday Muqdisho, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay soo kabashada caafimaad ee ka muuqata Agaasimaha.
Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee XFS oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in maalmaha soo socda uu dalka Soomaaliya ku noqonayo Agaasimaha Telefeshinka Qaranka.
Waxaa uu tilmaamay in isbeddal caafimaad uu dareemayo Agaasime Sharma’arke.
dhanka kale Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa kulan la qaatay u qeybsanaha warbaahinta ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, Ifraax Cabdullaahi, oo uu warbixin guud ka dhageystay, wuxuuna kula dardaadmay in la derdergaliyo wararka iyo Barnaamijyada warbaahinta Qaranka uga imaanaya dalka Turkiga.