Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo daahfuray tababar muhiim u ah Saxaafadda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Hayir Ducaale, ayaa Muqdisho ka daah-furay barnaamij ay si wadajir ah u hirgelinayaan UNDP Soomaaliya iyo BBC Media Action, kaas oo lagu xoojinayo saxaafadda xasaasiga u ah khilaafaadka.

Barnaamijkan ayaa lagu taageerayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed sidii ay u soo saari lahaayeen warbixinno sax ah, masuuliyad leh, dan guudna ku saleysan, iyadoo diiradda lagu saarayo fahamka khilaafaadka, xaqiijinta xogta, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, anshaxa saxaafadda iyo kaalinta warbaahinta ee nabad-dhisidda.

Tababarka koowaad oo afar maalmood soconaya waxaa ka qaybgalaya 20 suxufi oo ka socda Gobolka Banaadir, waxaana xigi doona dufcadda labaad oo ka kooban 20 suxufi oo ka socda Hirshabeelle, kuwaas oo tababarkoodu socon doono 11–14 Oktoobar 2026, Sidoo kale, suxufiyiinta waxaa lagu barayaa adeegsiga UNDP Somalia Conflict Navigator, oo ah qalab ka caawinaya fahamka xaaladaha khilaafaadka iyo diyaarinta warbixinno masuuliyad leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Hayir Ducaale, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu bulshada siiso xog sax ah oo masuuliyad leh, gaar ahaan xilliyada ay jiraan khilaafaadyo iyo xaalado xasaasi ah.

Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cabdulqaadir Cali Ayaa dul istaagay in suxufiyiintu xogta ay bulshada lawadaagan ay Saameyn ku leedahay fahamka dhacdada iyo sida bulshada uga falceliso.

Christophoros Politis, Wakiilka Joogtada ah ee UNDP Soomaaliya ayaa goobta ka sheegay Warbaahin madax-bannaan, sax ah oo masuuliyad leh waxay door muhiim ah ka ciyaartaa dhisidda kalsoonida bulshada.