Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Sooamaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo booqday Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee magaalada Jiddah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa booqashooyin ku tegay Qunsuliyadda Guud iyo Ergada Jogtada ee magaalada Jiddah.
Wafdiga agaasimaha oo qeyb ka ahaa Agaasimaha Radio Muqdisho Maxamed Kaafi sheekh Abukar ayaa waxa halaasi si weyn ugu soo dhaweeyay Qunsulka Guud ee Soomaliya u fadhiya magaalada Jiddah Mudane Axmed Maxamuud Diiriye, wasiir ku-xigeenka Yuusuf Xasan salaam (Cadaan) iyo howlwadeenada Qunsuliyadda Magaalada jiddah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa soo dhaweynta kadib kulana la qaatay madaxda Qunsuliyadda kuwaa oo warbixinno ka siiayay howlaha shaqo ee safaaradda u heyso Shacbka Soomaaliyeed iyo Hormarada ay safaaradu gaartay
Qunsulka Guud ee safaaradda Soomaliya ee magaalada jiddah Axmed Maxamuud Diiriye (Macruuf) ayaa agaasimaha iyo wafdigiisa uga mahadceliyay booqashada ay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Dalka Sacuudi Caribiya ku yimaadeen, isagoona sheegay in ay sii dar-dargalin doonaa howasha Qaran Shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Agaasimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Dalxiiska Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa xubnaha safaaradda ku bogaadiyay howasha baaxada weyn ee bulshada Soomaaliyeed u hayaan.