Agaasimaha Guud ee wasaaradda Qorsheynta oo ka qeyb galay Shirka wadatashiga maalgashiga Webiga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifaatax Cabdulqaadir Faarax, ayaa ka qeyb galay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay Qorshaha Maalgashiga Khayraadka Biyaha ee Webiga Shabeelle.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa diiradda lagu saaray maalgashiyada istiraatiijiga ah ee Webiga Shabeelle, gaar ahaan Mashruuca Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP), maaraynta khayraadka biyaha, horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo xoojinta u adkeysiga isbeddelka cimilada.

Agaasimaha Guud oo kulanka ka hadlay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in maalgashiyada Webiga Shabeelle lagu waafajiyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029) iyo mudnaanta horumarineed ee dalka.

Waxa uu sheegay in maalgashiyadaasi ay muhiim u yihiin xoojinta sugnaanta cuntada, horumarinta nolol-maalmeedka bulshada iyo xaqiijinta horumar waara.

Webiga Shabeelle ayaa laf-dhabar u ah horumarinta beeraha iyo dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa qorsheynta iyo maalgashiga khayraadkiisa mid muhiim u ah horumarka dalka.

FB_IMG_1789374483522.jpgFB_IMG_1789374478494.jpg

 

FB_IMG_1789374481032.jpg