Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta Galmudug oo furay shirka dib u eegista mashaariicda UNICEF

Agasimaha Guud ee Wasaradda Qorshaynta Galmudug Cabdullaahi Cumar Aadan ayaa maanta furay Shirka Sanadlaha ee Dib U eegista Mashariicda UNICEF ee Ka socda Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Shirka oo Ka dhacay Magalada Dhusamareeb waxaa qayb Ka ah wasaraddaha: Cafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Haweenka, Gargaarka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF oo shirkan uga qayb galaya habka fogaan araga.

Wasaraddaha shirkan ka qayb galaya ayaa soo Bandhigey waxii Ka qabsoomay qorshahooda Sanadlaha, waxii aan qabsoomin iy Caqabadaha Jiray.

Shirkan Sanadlaha ah oo soconaya Socon doona mudo labo maalmood ah ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadley Cabdinaasir Cabdulaahi Jaamac Agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo biyaha iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed

Agasimaha Guud ee Wasaradda Qorsheynta Cabdullaahi Cumar Aaden oo sidoo kale si qoto dheer uu faah faahiyey mashaariicda UNICEF ee Galmudug oo Wasaaradda qorsheyntu wax badan ka ogtahay faa’iidooyinka ay bulshada u leeyihiin.