Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarradda iyo ciyaaraha iyo wefti uu hogaaminayo oo shir ka qeyb

Wafti uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga Mudane Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa ka qeyb galay shir goboleed heerkiisu aad u sarreeyay oo looga hadlayay waxbarashada dhallinyarta, xirfadsiintooda, ka qeyb galinta arrimaha bulshada iyo u carbinta shaqo sharaf leh, shirkaas oo ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Joordan. Agaasimuhu waxa uu u soo bandhigay madaxda ka soo qeyb gashay shirkaas Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarta Soomaaliyeed iyo Qorshe Hawleedka loogu talo galay in ay hagaan maal-galinta qaranka ee dhallinyarta Soomaaliyeed muddada afarta sanno ah ee soo socota (2022 – 2026). Intii uu shirku socday Agaasimuhu waxaa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda kala ah:
1. Mudane Maxamed Cali Nabulshi, Wasiirka Dhalinyarta ee dalka Joordan
2. Mudane Ashraf Sobhy, Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha ee dalka Masar
3. Marwo Hibo Muumin, Wasiirka Dhalinyarta iyo Dhaqanka ee dalka Jabuuti
4. Mudane Dr. Misha’al Alshaheen, Wasiirka Arrimaha Dhalinyarta ee dalka Kuwayt
5. Marwo Lu’ay Shabaneh, Isu-duwaha UNFPA ee Waddamada Carabta
Kulamadaas, waxaa aay dhammaan madaxdu si adag u ballan qaadeen in ay Dawladda Soomaaliya ka taageerayaan hirgalinta Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarta isla markaana ay u qoondayn doonaan taageero wax ku ool ah.