Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay wafdi ka Scoday Dowladda Sacuudiga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim iyo Agaasimaha Isbitaal Banaadir Fartuun Shariif Maxamed ayaa kulan la qaatay wafdi ka Scoday Dalka Sacuudi Carabiya iyagoo kala hadlay dardargelinta iyo dhameystirka xaruunta Kelyo-Dhaqista ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Oo ay baahi weyn u qabaan bulshada Soomaaliyeed

Masuuliyiinta iyo Wafdiga ka socday Sacuudiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xaruunta waxeyna isla qaateen inay muhiim tahay in xooga la saaro Qorshaha lagu dhameystirayo xaruuntan.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa kormeeray Xaruunta Bangiga Dhiigga ee laga hirgalinayo Banaadir Hospital Wuxuuna xog wareysi la yeeshay Injineerada u dhashay Dalka China ee hogaaminaya dhismaha xaruuntan oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Ugu dambehn Dr. Cabdinaasir Mukhtaar Ibraahim Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo gabagabada kormeerka Kadib Warbaahinta Qaranka la hadlay Ayaa xusay inay ka wasaarad ahaan muhiimad weyn u leedahay Dhameystirka Xaruunta Kelyo-Dhaqista iyo hirgelinta xaruunta Bangiga dhiigga ee Isbitaal Banaadir oo lagu wado in dhawaan la dhameystiro.