Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha Guddaha oo kulan la qaatay qaar ka mid ah madaxda Xafiiska QM u qaabilsan Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Mudane George Conway, oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhexeeysa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda, iyo sidoo kale taageeridda qorshayaasha mudnaanta u leh Wasaaradda, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga dowlad-dhiska, nabadda, iyo horumarka Soomaaliya.