Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta, Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa Kulan la qaatay Danjiraha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya, isaga oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale, waxaana Kulanka lagu gorfeeyay Arrimo la xiriira Iskaashi Wadajir ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-Shaqeynta dhinacyada Maamulka iyo Dowlad-Dhiska, gaar ahaan Arrimaha Federaalka, dhismaha awoodda Hay’adaha, iyo dadaallada Dib-u-Heshiisiinta. Waxa sidoo kale la isla qaatay Is-Weydaarsiga khibradaha, taageerada Farsamo, iyo Iskaashiga Horumarineed ee kor u qaadaya Adeegyada Dadweynaha ee Dalka.
Agaasimaha Guud, Mudane Cabdulqaadir, ayaa uga Mahadceliyey Safaaradda Shiinaha Taageerada joogtada ah, isagoo caddeeyey sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay xoojinta Iskaashi wax-ku-ool ah oo lagu taageerayo Midnimada, Dowlad-Dhiska, iyo Horumarka waara ee Soomaaliya.


