Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa kulan fogaan-arag ah la qaatay Masuuliyiin ka socota Hay’adda IOM, gaar ahaan unugga u qaabilsan Xasillinta Bulshooyinka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac iyo taageeridda hirgelinta barnaamijyada Xasillinta, kuwaas oo mudnaan siinaya gaarsiinta gargaarka degdegga ah iyo adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinaayo deegaannada dhowaan laga xoreeyey kooxaha argagixisada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada Hay’adood, sare u qaadista wada-shaqeynta, iyo dardargelinta fulinta barnaamijyada la xiriira xasillinta, si loo hubiyo gaarsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah ee bulshada.


