Agaasimaha Guud ee madaxtooyadda Koonfur-galbeed oo qaabilay Wakiilka Heya’adda UNICEF ee Soomaliya

Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdifataax Mahad Cabdiraxmaan ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka Socday Hay,adda Unicef oo Maanta Baydhabo soo gaaray Islamarkaana ay hogaaminaysay Wakiilka Hay,adda Unicef Soomaaliya Madam Wafaa saeed.

Kulan Saacado qaatay oo ay Wada qaateen Wafdiga iyo Agaasimaha Madaxtooyada waxay kaga wada hadleen Xoojinta Kaalmada Haya’adda Unicef ay siiso Dadka Barakacayaasha iyo sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu Saamaysay ee ku Nool Guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed.