Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa si rasmi ah u daah-furay banbax lagu diyaarinayo Qorshaha Waxqabad 2026 ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo uu halku dhigiisu ahaa (Adeeg Bixin Sahlan, Hufan, oo Tayo Leh). Banbaxaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasime-ku-xigeennada Guud, lataliyeyaasha hay’adda, Agaasime Waaxeedyada, Agaasime Laameedyada, Madax Qeybeedyada, Madax Xafiisyeedyada, iyo Kormeerayaasha.
Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in banbaxani uu yahay fursad lagu mideynayo aragtida Hay’adda, lagu Qiimeynayo waxqabadkii hore, isla markaana lagu dejinayo hiigsiyo iyo hortabbinno waaqici ah oo lagu wajahayo sanadka 2026, si wax looga beddelo tayada bixinta Adeegyada HSJ.
Qorshaha Waxqabadka ee Sanadka 2026 ayaa diiradda saaraya Horumarinta Adeegyada iyo Hufnaanta Maamulka, iyadoo xoogga la saarayo waxtarka, tayada, iyo ka jawaabidda baahiyaha Muwaadiniinta.


