Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya  Cabdulkadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baaydho

Wafdi Waxana halka ku soo dhaweyay Mas’uliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo isugu jira Wasiiro ,Xildhibaano, Qaar ka mid ah Agaasimiyaasha guud ee koonfur Galbeed iyo Madaxda Hay’adda Socodaalka Jinsiyada laanta Saddexaad ee Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka socdaalka wafdiga Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socodaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu sheegay u kuurgalida Howlaha Shaqo ee Hay’adda ay ka wado Koonfur Galbeed iyo Wadatashi uu la yeelan doono Madaxda iyo Shaqaalaha Hay’adda.