Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga oo qaabilay Wafdi ka socda shirkadda Zain-al-Abdin Group Africa

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda shirkadda Zain-al-Abdin Group Africa Limited, oo uu hoggaaminayay Madaxa Fulinta shirkadda, Dr. Ashraf Omran.

Wafdigan ayaa booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya, iyagoo ujeeddadoodu tahay sahminta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan qaybaha kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah, beeraha iyo xoolaha, kuwaas oo leh awood ballaaran oo ka qayb qaadan karta kobaca dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo.

Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadanaysa fududeynta xiriirka u dhexeeya wafdiga, hay’adaha dowladda iyo ganacsatada, iyadoo siinaysa xog iyo hagitaan ku saabsan jawiga maalgashiga dalka, isla markaana ka taageeraysa aqoonsiga iyo qiimeynta mashaariicda leh fursadaha maalgashi.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Hay’adda Maalgashiga Soomaaliya ay ku xoojinayso soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah, dhiirrigelinta iskaashiga ganacsi iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka, si loo abuuro shaqooyin, loo kobciyo ganacsiyada maxalliga ah, loona dardargeliyo horumarka iyo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.