Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub dowladda Norwey u soo magacowday Soomaaliya

Agaasimaha guud ee habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Abukaate Xirsi Xaaji Culusow, ayaa oo nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee dowladda Norwey ay u soo magacowday Soomaaliya Mudane Gunner Andreas.

Agaasimaha oo Danjiraha Cusub la wadaagay hambalyo ku aaddan mas’uuliyaddan loo igmaday, ayaa u sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay Danjire Andreas ku soo dhoweynaso in uu ka mid noqdo bahda  diblomaasiyiinta ka hawl gala Dalkeenna. Dhankiisa Danjire Gunner Andreas ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay Soomaaliya.