Afkeena soomaaliga oo lagu tiriyo mid kamida kuwa adduunka ugu hodansan, uguna murtida badan ayaa taniyo burburkii dawladdii dhexe waxaa soo food saartay halis ba’an oo kaga timi jahooyin dhowr ah, kuwaasoo ay kamid yihiin: ku milanka afafka qalaad, soo if bixida erayo cusub oo macne ahaan iyo qira ahaanba kuwii hore aad uga liita, manhajyada kala duwan ee Dugsiyadu haystaan oo aan lahayn eray bixin quman, dadkii miyiga oo magaalooyinka u guurey hab-hadalkoodii horena ka bayroo intay ilbaxnimo moodeen sida reer magaalka iska dhigey.
tusaale; gabadh ama wiil baadiye laga keenay haddii iskuul xamar ku yaalla laga geeyo wuxuu xoogga saarayaa inuu adeegsado erayo ay kamid yihiin; yaaqay, nooh, caadi iska dhig, adiga lee waaye, haygu mashquulin, yartu waa shidan tahey, way kala kacsantahey, hadalkaaga ma fahmooyi, iga qalay, iga wareeji, ga iga sii , bush ka sii bac kasii, baby , my brother, hooyadaa usheeg iwm asagoo isleh yaan lagu oran waa reer baadiye, waxaana sidaa uga lumaya erayadii asalka ahaa ee deegaankiisii looga hadli jirey.
Erayada Af-Soomaaliga guud ahaan waxaa loo qeybiyaa 4-qeybood oo kala ah:
1- Eray isirkiisii hore Soomaali ahaa sida: geedi,geeri, gaawe, gaaf, gaashaan, nuxur, niyaayar, naallo, waddo, waran, gawaan, gabraar,gamashi, dhabbe, dhanbal,dhalanteed, dhaashi, dhuuni, dhagar, sahan, sooryo, sibraar, sowrac, sarbeeb, silac, surbacaad, seermawaydo, , shukaansi,shaamoreer,shaamuug, shakaal, shaal, sheed,oon , omos,aas, oog, abaar, aqal, ileys, amakaag,areerin,uur, uskag,arad,abxad, illin, bajin, baanin, badbaadin, baadi,baahi, baaq, bidhaan, berkaado, buuni iwm.
2- Eray asalkiisii hore carabi , ingiliish ama talyaani ahaa oo sidiisii loo qaatay loona adeegsado sida; masaajid, mas’alo, maqaayad, maal,mufti, mowqif, mooshin,manhaj, jahli, jaamacad, janaraal, jiho, jaar, xalaal, xaaraan, waqti, subax,saxuur,salaad, saami, casho,qado, imtixaan, adaab, caqli, awlaad, ehel,qabiil iwm.
3- Eray asalkiisii hore carabi,ingiliish, ama talyaani ahaa balse af-soomaali loo rogay sida; mucallim=bare ,book=dhigane ,Turjumaan= af-celiye, Microphone =cod baahiye, Saacad= goor sheeg, Sumcad=dheg, Caafimaad= fayoobi,bed-qab, Number= tirsi, faa’iido= dheef, salaan= bariidin iwm.
4- Eray ka abuurmay laba eray oo laysi-saarey sida; dukaan+le, bajaaj+le, xeeru+ dhaqan, wax+barasho,gaashaan+dhig, wacyi+galin, faaf+reeb, fariin+side,faham+darro, mala+awaal, xaas+le, madax +wayne, odey+ dhaqameed,nabad+doon, dheef+shiid,hida+side, duca+qabe, war+baahin iwm.
Gabaygan gaaban ee soo socda ayaa ina huga-tusaalaynaya si ay afafka qalaad hadalkeena ugu milanyhiin oo ay erayadii keenu hodanka ku ahaa meesha uga riixanayaan:
“Shaqal jiidan,shibana agyaal,shaacir kala saara Shicir gabaya,sharaxaad abwaan,sheeko dabataalla Hadal Sharaf leh, murtidoo shuclada,shaahid laga koobsho Sharci guuna,shuruudii naxwaha,shaac wax laga qaadey
Shamal toosan, shactaraad ubage,shaambin kala nuuca Shirib adab leh,arartoo shakalan ,sheedo ku cayaarka Xigmad shelan ,shallaadiga digiga,sheyga lagu faano Shidka weedha,shigistood ka bixi,shaafinimadeeda
Sharmaa timid iyo sheeko dheer shiishna ku abaaran Intaaba afkeenaa shammila waana shey dhaba e Waxse sharaftiisa liidayoo, shiikhey baa jira e Shaa iyo shee markii laga tagoon sheeyo kala aadney
Oon shidaadkii ka faaney iyo sheeko baraleyda Shaamareer baa kolkaa dhashiyo sheegato umoode Shukaansiga waxa lagu galaa sheer dheh iyo loofe Shaandhada erayadii galaa shaac usoo baxaye
Shoow ingiriiskaan jinni baaba shaabbah noo jilaye Shalay waxaa taqaanay baa haatan shuush galaye Shaleyto inaan taaganahey waa shaki la’aane Shariba ka maaney horeen waxay isku shideeyeene Shib ka dhaha afafka shisheeyuhu sharaf ma keenaane”.
WQ: Abwaan Hareeri